Muqdisho: Madashada Wadatashiga ee Amniga iyo Badqabka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (Sawiro)

Muqdisho: Madashada Wadatashiga ee Amniga iyo Badqabka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (Sawiro)

Muqdisho: Madashada Wadatashiga ee Amniga iyo Badqabka Suxufiyiinta Soomaaliyeed oo usoo qaban qaabiyey Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ National Union of Somali Journalists (NUSOJ) oo kaashanada howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo Hay’adda Waxbarashada, Sayniska iyo Dhaqanka ee Qaramada Midoobay ee UNESCO ayaa maanta laga daahfuray magaalada Muqdisho, madashan oo soconeysa muddo 3 maalmood ah, waxaa furitaankeeda kasoo qaybgalay wasiirka Wasiirka Amniga Gudaha JFS Dr Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodisho).
Wasiir Doodisho ayaa hoosta ka xariiqay in Dawlada Federalka ah ee Soomaaliya ay ka go’antahay dhowrista iyo ilaalinta amaanka muwaadiniinta gaar ahaana badqabka suxufiyiinta, Wasiirku wuxuu muujiyey inay ka xun yihiin dhibaatada xoogan ee soo gaara Wariyayaasha Soomaaliyeed oo ay ugu weyn tahay dilalka loo geysanayay sanadihii lasoo dhaafay wariyaasha.
“Badbaadadiina iyo Xoriyadiina Dastuurkeenay ku qoran tahay gorgortan male, Anigoo ku hadlaya Wasaarada Amniga waxaan aad idiinku cadaynayaa inaan aad ugu dadaali doono qof kasta oo muwaadin ah inuu si bad qab ah shaqadiisa u qabsan doono, gurigiisana u aadi doono isagoo bad qaba,” ayuu yiri Wasiirka Amniga Gudaha JFS Dr Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodisho).
Xoghayaha guud ee Ururka NUSOJ Cumar Faaruuq Cismaan oo hadal ka jeediyey furitaanka madasha ayaa sheegay in wax laga naxo ay tahay dhibaatada wariyaasha lagu hayo oo noqotay mid aan dhamaan oo sii socota, iyadoo uusan jirin isla xisaabtan dhab ah iyo ciqaabida la’aanta denbiilayaasha geysta dilaka iyo denbiyada kale ee ka dhanka ah Suxufiyiinta iyo Saxaafadda.
“Anaga waxaan aaminsanahay dalka dalkeenii weeye inaan inaga iskaashano, Wasaaradii amniga, Suxufiyiinta, Xarumaha warbaahinta inaan dhamaanteen iska kaashano badqabka Suxufyiinta,” ayuu yiri Cumar Faaruuq.
Cumar Faaruuq Cusmaan wuxuu intaa ku daray inay NUSOJ ka go’an tahay xaqiijinta in suxufiyiinta ay ku shaqeeyaan si baqabta oo la joojiyo xadgudubyada aan xadka laheyn ee loo geysanayo suxufiyiinta ku howlan shaqadooda.
Madashan wadatashiga ah ee badqabka suxifyiinta waxaa maanta la qabtay xilli caalamka loo dabaal dagaayo 10 sano guurada kasoo wareegtay markii la ansaxiyay Qorshaha Qaramada Midoobay ee badbaadada saxafiyiinta.
Misako Ito oo ah Madaxa Isgaarsiinta iyo Warfaafinta ee UNESCO u qaabilsan Gobolka Bariga Afrika ayaa sharaxaad weyn ka bixisay Qorshaha Qaramada Midoobay ee badbaadada suxufiyiinta iyo wadashaqeybta dhow ee ka wada dhaxeysa UNESCO iyo NUSOJ si loo ilaaliyo badqabka suxufiyiinta Soomaaliyeed.
Ugu danbayntiina Fiona Lortan oo ah madaxa howlgalada Midgow Afrika ee Soomaaliya oo sidoo kale ka wakiilka ah Guddoomiyaha Midgowg Afrika ayaa sheegtay in midowga Africa ay ka go’an tahay inay taageerto amniga iyo badqabka suxufiyiinta Soomaaliyeed si loo xaqiijiyo Soomaaliya oo nabad ah oo xasiloon. Fiona waxay hoosta ka xariiqday ol-olada bidowga Africa ee kju aadan amusinta qoryaha si nabad iyo xasilooni loogu soo dabaalo qaarada Afrika.
Diiwaanka Wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com