MUQDISHO, Faahfaahin: Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay inta u dhaxaysa Isbitaal Madiina iyo Villa Baydhaba

MUQDISHO, Faahfaahin: Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay inta u dhaxaysa Isbitaal Madiina iyo Villa Baydhaba

Maqaayad laga cunteeyo oo kutaalay agagaarka Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho ayaa qof iskusooxiray walxaha qarxa iskuku qarxiyay dadkuu kusugnaa goobta.

Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa la sheegau in uusan geysan wax khasaaro ah marka laga reebo dhimashada qofka isqarxiyey, sida uu shaaciyey Taliska Booliska Soomaaliya.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku yiri, “24-09-2021 Abaaro 15:03 PM waxaa Qarax ismiidaamin qof naftii halliga ah isku qarxiyey inta u dhaxaysa Isbitaal Madiina iyo Villa Baydhaba, ma jiraan wax khasaare ah ee uu geystay qaraxaas, marka laga reebo qofka naftiisa haligay.”

Todobaadkii hore ayay ahayd markii sidan oo kale qof iskusooxiray waxyaabaha qarxa uu soogalay Maqaaxi ay fadhiyeen ciidamo katirsan DFS, Waxaana ku dhintay qaraxaasi ilaa 9 qof.

Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada qaraxaasi.
Diiwaanka Wararka.
Radio daljir.com.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com