Muqdisho: Dowladda Soomaaliya oo Safiirkii Kenya ku amartay inuu dalkiisa ku laabto, una yeeratay Safiirkeeda

HomeWararka

Muqdisho: Dowladda Soomaaliya oo Safiirkii Kenya ku amartay inuu dalkiisa ku laabto, una yeeratay Safiirkeeda

Dowladda Soomaaliya ayaa wadatashi ugu yeertay Safiirkeeda u fadhiyay Kenya Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan), iyadoo ku amartay Safiirkii Kenya ee joogay

Madaxwayne ka tanaasulay dhalashadiisii Britishka
Guddiga doorashada oo weli wada diiwaangelinta iyo….
Madaxweynaha Galmudug oo gaaray degaanka Bangeelle ee gobalka Galgaduud (Sawiro)

Dowladda Soomaaliya ayaa wadatashi ugu yeertay Safiirkeeda u fadhiyay Kenya Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan), iyadoo ku amartay Safiirkii Kenya ee joogay Muqdisho Lucas Tumbo inuu dalkiisa wadatashi ugu laabto.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed Cali Nuur ayaa goordhow warbaahinta dowlafda ka akhriyay go’aanka ka soo baxay dowladda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeeysay Kenya inay si bareer ah u faragelineyso arrimaha gudaha ee Soomaaliya, gaar ahaan arrinta Jubbaland.

Sidoo kale Xoghayaha Joogtada ayaa sheegay in Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ay dowladda Kenya ku cadaadineyso carqaladeynta heshiiskii doorashooyinka ee ay Muqdisho ku gaareen dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: