MUQDISHO: Diwaangalinta Musharaxiinta Aqalka Sare ee Somaliland oo la soo gabagabeeyay

Diwaangalinta Musharaxiinta u taagan Aqalka Sare ee gobolada Waqooyi ee dalka ayaa lagu waddaa in maanta lasoo gabagabeeyo ka dibna maalinta berri loo gudbo tababarada ergada soo dooranaysa xildhibaanada Aqalka Sare.

Diwaangalinta ayaa bilaabatay maalintii khamiista aheyd , waxaana guddiga ay sheegeen in ay dardar galin doonaan hanaanka doorashada Aqalka Sare.

Jadwalka ayaa waxaa ku qoran in ay doorashada bilaaban doonto 28ka bishan oo ku beegan maalinta Talaadada ee soo socota waxayna doorashada ku eg tahay 30ka bishan September 2021.

Doorashadaan ayaa waxaa si wadajir ah u maamulaya Gudoomiyaha Aqalka Sare iyo Ra’iisul wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed , waxaana kor kala socda Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com