Site icon Radio Daljir

Muqdisho: Ciidamada Amniga oo fashilay qarax uu is kusoo xiray qof naftii halige ah

Ciidamada Amniga ee Muqdisho ayaa maanta gacanta ku dhigay nin watay waxyaabaha qarxa oo doonayay inuu isku xiray maqaayad ku taala Mogadishu Mall ee degmada Xamar weyne.

Ciidamada Amniga oo ninkan ceyrsanayay ayaa markii dambe waxyaabihii qarxa iska tuuray, isagoo ku tuuray dhanka Saldhigga Xamar weyne oo ay markii dambe ku qaraxday.

Taliye ka tirsan Sadhigga Xamar weyne ayaa ku dhaawacmay qaraxa, iyadoo ninkii doonayay inuu is qarxiyo la qabtay.

Exit mobile version