Site icon Radio Daljir

Munaasabaddii Xuska 1da Agoos iyo Aqalka Madaxtooyada Puntland ee Garoowe (dhegayso)

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa caawa oo ay tariikhdu ku began tahay 01 August 2017 ugu Hambalyeeyey Shacabka Puntland Xuska Sanad Guurada 19-aad ee Asaaskii Dawladda Puntland 1-dii August 1998.

Xafladda lagu xusayey maalintani taariikhiga ah oo lagu qabtay Qasriga Madaxtooyada Dawladda Puntland ee magaalada Garoowe ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey Madaxweyne kuxigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey, Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Dawladda Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi, Masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland, saraakiisha ciidamada qalabka sida ee dawladda Puntland, saraakiilka tirsan Madaxtooyada Puntland, xubno ka socdey beesha caalamka, masuuliyiin ka socdey urruradda Bulshada, Isimo, nabadoono, aqoon yahano iyo qaar kamid ah Bulshada magaalada Garoowe ee caasimadda dawladda Puntland.

DHEGAYSO WARBIXIN

https://zeno-devlab.s3.amazonaws.com/media/49193/5981916601010097a661905d/Warbixinta+Munaasabadii+xuska+sannad+guuraddii+Puntland+ee+19aad+.mp3?_=1
Exit mobile version