MUNAASABADA MAALINTA NABADA OO JIGJIGA LAGA XUSAY

Xuska maalinta Nabada ayaa si heer sare ah looga xusay Caasimada Dawllad Deegaanka Soomaali DDS ee magaalada Jigjiga gaar ahaan kuliyada tobobarada booliska.

Xuskan oo halku dhag looga dhigay Nabadgaliyadeenu Waa Wada Noolaasheheena ayaa waxaa kasoo qaybgalay Hogaanka Nabadgaliyada Dawllada Deegaanka Soomaalida DDS DR Xuseen Xaashi Taliyaha guud ee ciidanka gaarka (liyuu boolis) iyo saraakiisha ciidanka booliska asluubta

Hogaanka nabadgaliyada Dawllada Deegaanka Soomaalida DDS Dr Xuseen Xaashi ayaa xusay in nabadgaliyada Deegaanka Soomaalida ka jirta aysan soo marin muddooyinkii xukuumadihii hore ay deegaanka ka talin jireen

Hogaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in xiliga kala guurka ah ee lagu jiro uu leeyahay dhibaato isla markaana xukuumadu si wacan umaaraysay xiliyada kala guurka ah

Xuskan ayaa intii lagu gudo jiray
waxaa abaalmarino lagudoonsiiyey
Gudigii ka shaqeeyey nabadaynta mashaqadii dhexmartay shacabka walaalaha ah ee dagmooyinka Raaso iyo Salaxaad

Xuskan ayaa lagusoo gabogabeeyey Dhir beeris laga sameeyey isla kuliyada tobobarada ciidanka.


Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir


Posted

in

,

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com