Muhaajiriin African ah oo dooni kula degtey xeebaha dalka Masar.

Qaahira, Sep 21 2016–Kudhowaad 30 qof ayaa dhimatay tobanaan qof oo kalena waa la la’yahay kaddib markii sida la sheegay ay xeebaha dalka Masar ku degtay doon ay saarnaayeen ku dhawaad 600 oo qof oo muhaajiriin.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in 150 qof la soo badbaadiyay, Kooxaha gurmadka ayaa baadi goobaya dad kale oo nool oo ka badbaaday musiibadaasi.

Dadkaani doonta ay saarnaayeen ayaa kudegtey xeebta magaalada dekadda ah ee of Rosetta, waxaana wali soo baxaya macluumaadka ku saabsan shilkan.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com