Muddo kordhin lo sameyeey xafiiska UNSOM Soomaaliya

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa markale muddo kordhin u sameeyey xafiiska UNSOM ee Soomaaliya, kaas oo xilligaan dhinacyo kala duwan ka taageero dowladda federaalka ah Soomaaliya.

Bayaan ka soo baxay golaha amaanka ayaa waxaa lagu sheegay in UNSOM ay howsha ay sii wadi doonto illaa inta laga gaarayo 31-ka bisha August.

Sidoo kale waxaa UNSOM loogu baaqay inay xoojiso howlaheeda Soomaaliya, iyada oo ka fulineyo Muqdisho iyo dhammaan magaallo madaxyada dowlad goboleedyada dalka.

Golaha ammaanka ayaa sidoo kale bayaanka ay soo saareen waxaa lagu sheegay inay ka go’an tahay QM in door weyn ka qaadato doorashada Soomaaliya 2020 illaa 2021-ka.

UNSOM ayaa Soomaaliya ka howl bilowday sanadkii 2013-kii, waxaana dowladda Soomaaliya ay ka taageertaa nabadda, dib u heshiisiinta, dib u eegista Dastuurka iyo qaban-qaabada doorasho iyo taakuleynta ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya ayaa lagu yiri bayaanka.

Diwaanka wararka
Radio Daljir


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com