Mudane Tarsan ?Maal-gashi kama dhici karo Xamar ilaa la helo koronto ku filan magaalada?(Dhegeyso)

Muqdisho, August 19, 2013 – Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamed Axmed Nuur (Tarsan) ayaa soo bandhigay baahida weyn ee ay qabto magaalada caasimada ah, wuxuuna gundhig uga dhigay jidadka iyo korontada.

Mudane Tarsan wuxuu shaaca ka qaaday in magaalada ay higsanayso in ay horumar ku talaabsado, balse ay jiraan caqabado waa weyn oo weli hortaagan hir-gelista qorshaha maamulka gobolka Banaadir.

Gudoomiyuhu wuxuu sheegay in ay magaaladu u baahan tahay in loo dhiso jidad waa weyn oo laami ah, iyo in la dayactiro wadooyinkii hore ee ay magaaladu lahayd, kuwaasi oo ah meelaha loo mari karo in dad badan maal-gashi ku sameeyaan dalka.

Docda kale wuxuu Maxamed Axmed Nuur sheegay in ay magaalada ka jirto baahi koronto oo balaaran, taasi oo looga bixi karo in la dar-dar geliyo in la cirib tiro koronto la?aanta, kadibna loo gudbi karo in magaalada ay ka shaqeeyaan shirkado waa weyn.

? Maal-gashi ayaa loo diyaar yahay hadda oo dad badan ayaa Muqdisho yimid, laakiin waxaan halkaan ka sheegayaa hadii aan koronto la helin in aysan waxba hir-geli karin, Muqdisho waxay rabtaa in ay hesho koronto ku filan ee ha la ogaado? ayuu yiri Tarsan.

Gudoomiyaha ayaa hadalkan wuxuu ka jeediyey shir ka dhacay Muqdisho oo diirada lagu saarayey amaanka guud isla markaasna ay ka qeyb ahaayeen maamulka gobolka, kuwa degmooyinka Banaadir, wasaarada arimaha gudaha iyo saraakiisha amaanka qeybtood, wuxuu ku baaqay Tarsan in amaanka la adkeeyo.

?

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Dhegeyso hadal uu Tarsan ka jeediyey kulankaasi oo uu kaga hadlay baahida caasimadu qabto

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com