
Muqdisho, October 13, 2013 – Qaar ka mid ah mudanayaasha balaaramanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka codsaday xukuumadda in ay bixiso mushaarooyinka askarta iyo shaqaalaha kala duwan ee dowladda inta aan la gaarin Ciidul-Adxaa.
Mudanayaasha ayaa codsigooda ku sababeeyey muddo dhowr bilood ah in ay maqnaayeen mushaarooyinkii Askarta iyo shaqaalaha kale ee dowladda federaalka ah, haatanna la galay xili farxadeed iyo Ciid oo ay taas muhiimad gaar ah leedahay.
Maxamuud Maxamed Seysey oo ah gudoomiyaha guddi hoosaadka Baarlamanka ee boostada iyo Isgaarsiinta, waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in talaabo la qaado si horumar loo sameeyo, wuxuu codsaday in ay muhiim tahay in la tixgeliyo xuquuqda shaqaalaha iyo Askarta.
Diiwaanka wararka
Radio Daljir
Dhegeyso: Weriye Cabdulaahi Suldaan oo daljir ka tirsan ayaa waraystay Xilibaan Maxamuud Seysey?
FAALLOOYIN & FALCELIN