HomeUncategorized

Mudane Salaad ?Jidad waa weyn oo qaar laami yihiin ayaan ka hir-gelin doonaa Galkacayo? (Dhegeyso)

Galkacayo, August 17, 2013 - Maamulka gobolka Mudug iyo kan degmada Galkacayo ee xaruunta gobolkaas ayaa waxaa ay maanta ka hadleen arrimo dhowr ah, oo ay ku jiraan amaanka iyo horumarinta dhanka dhismaha.

Baahin: Sabti, Sept 24, Weriye ~ Daljir Mahad Xasan ~ Caabudwaaq. 4,000 oo arday oo u fariistay imtixaanaadka deeq waxbarasho oo ay fidisay Turkey; “Gaalkacyo waxaa ka socda dagaal Alle la dirir ah” Tigay, Gudd. gobolka Mudug; Calas, Gudd. gobolka Galgaduud, oo sharci darro ku tilmaamay doorashada guddoonka cusiub ee Ahlu-sunna.
(Dhagayso) Siyaasi Cali Xaaji Warsame oo fariin adag u diray Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Puntland.
War saxaafadeed – Guddiga amniga qaranka ee dawladda federalka oo shiray, awaamirna soo saaray.

Galkacayo, August 17, 2013 – Maamulka gobolka Mudug iyo kan degmada Galkacayo ee xaruunta gobolkaas ayaa waxaa ay maanta ka hadleen arrimo dhowr ah, oo ay ku jiraan amaanka iyo horumarinta dhanka dhismaha ee xaruun goboleedka Mudug.

Gudoomiye ku xigeenka gobolka mudug Axmed Muuse Nuur ayaa ka hadlay amaanka guud ee gobolka, isagoo si gaar ah diirada u saaray Galkacayo, wuxuu sheegay in marka laga reebo dilal qorsheysan iyo qaraxyo ay haatan xaalada magaaladu tahay mid wanaagsan.

Mudane Nuur wuxuu ugu baaqay shacabka galkacayo in ay u istaagaan ka shaqeyna amaanka magaalada, oo ay ku howlan yihiin ciidamada amaanka ee gobolkaas.

Docda kale Duqa Galkacayo Axmed Cali Salaad ayaa isna maanta ka hadlay xaalada Galkacayo, wuxuu sheegay in ay wadaan qorshe horumarin ah oo ay ku balaarin doonaan magaalada.

Gudoomiyuhu wuxuu sheegay in ay socdaan qorshayaal lagu dhisayo jidad waa weyn oo qaarkood Laami yihiin lagana hir-gelinayo magaalada Galkacayo, wuxuu ugu baaqay shacabka in ay ka shaqeeyaan ?amniga, si loogu talaabsado horumar iyo bilicda oo la kordhiyo.

?

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Dhegeyso hadalka duqa Galkacayo Axmed Cali Salaad

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: