Mudanayaasha baarlamaanka Puntland oo ansixiyey miisaaniyada dawlada ee 2009.

Garowe, May 07 | Doodo iyo gorfayn dheer oo maalmo u socotay mudanayaasha golaha wakiilada Puntland kadib ayaa maanta gelinkii dabme uu goluhu ansixiyey miisaaniyada dawlada Puntland ee 2009.

Fadhiga golaha ee maanta oo ay goobjoog ka ahaayeen badi mudanayaasha baarlamaanka Puntland ayaa waxaa kale oo isna ka soo xaadiray wasiirka maaliyada Puntland Md. Faarax Cali Jaamac oo ay mudanayaashu su’aalo ka weydiiyeen miisaaniyada.

Md. Faarax ayaa hore golaha uga xog waramay waxa ay miisaaniyadu ku salaysan tahay, iyo dhinacyada ay xukuumadu xulayska saari doonto.

Mudanayaasha ayaa u soo jeediyey wasiirka maaliyada Md. Faarax in dhawr qodob oo ka mid ah miisaaniyada bedal lagu sameeyo, taasi oo xukuumada iyo baarlamaanku ay isku afgarteen.

Waxaa laga xusi karaa in mushahaaraadka ciidamada la kordhiyey 80% oo sida uu hore uu u iclaamiyey M/weyne Faroole looga gol leeyahay sare u qaadida tayada iyo waxqabadka ciidanka, adkaynta amniga, iyo daryeelka ciidanka qalabka sida ee Puntland.

Mudanayaasha ayaa doodaha iyo su’aalaha kadib u codeeyey ansixinta miisaaniyada, iyada oo aanu jirin mudane diiday ama ka gaabsaday ansixinta miisaaniyada.

Afahyeenka baarlmaanka Puntland Md. C/rashiid Maxamed Xirsi oo gunaanadkii fadhiga golaha ka hadlay ayaa shaaciyey natiijada codaynta, sheegayna in miisaaniyadu ay sharciyan tahay mida dawladu ay ku hawlgali doonto.

Waa miisaaniyadii ugu horeysay ee xukuumada M/weyne Faroole uu soo gudbiyey.

M/weyne Faroole ayaa haya hoggaanka Puntland muddo 3 bilood ah, lana doortay bishii Janaayo ee sannadkan.

Diiwaanka Wararka,
Idaacada Daljir.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com