Mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo booqanaya deegaano ka mida Galguduud.

Caabudwaaq, Jan 29- Wararka ay radio daljir ka helayso gobolada dhexe gaar ahaan kuwa ku soo dhacaya warqabadka radio daljir ee Caabudwaaq ayaa sheegaya in gobolka Galguduud degmooyinkiisa ay booqasho ku marayaan xildhibaano baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan.


Mudanayaashan oo labo maalin ka hor ka soo dagey degmada Gurceel ayaa shalay waxaa si diiran loogu soo dhaweeyay degmada Caabudwaaq waxaana halkaasi ay kula hadleen dadweynihii soo dhaweeyay.


Maanta ayay xubnahaasi gaareen degmada Balanballe waxaana halkaasi soo dhaweyn ugu sameeyay Shacab weyn aad u farabadan oo deegaankaa.


Sida mid ka mida xildhibaanadaasi oo goob fagaaraa ka sheegay wafdigaan ayaa gogol xaar u ah masuuliyiin sar-sare oo ka socda DF ee Soomaaliya oo la filayo inuu ugu horeeyo R/wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ay yimaadaan gobolada dhexe gaar ahaan gobolka Galguduud.


Lama yaqaan inta uu qaadan doono safarka wafdigan, ammaanka gobolkaasi ayaa hada dagan waxaa inta badan gacanta ku haya maamulka Ehlu sunna Waljamaaca.

Diiwaanka Wararka daljir

Caabudwaaq

(S).

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com