Mudaaharaad sababay dhimasho & dhaawac oo ka dhacay Laascaanood & Buuhoodle.


Laascaanood, Jan 21 – Mudaaharaad dad ku hdinteen, qaar kalena ku dhaawacmeen ayaa ka dhacay magaalooyinka Laascaanood & Buuhoodle.

Laascaanood:

Kumanaan qof oo dhagax tuuraya, sitana calanka Somaliya, ayaa isugu soo baxay wadooyinka magaalada Laascaanood; bannaanbaxayaasha ayaa taayiro ku gubay wadooyinka magaalada, xirayna qaar wadooyinka magaalada.

Ciidamada bilayska ee Somaliland ayaa xabad ku furay dadka mudaaharaadka dhigayey, dilayna inta la xaqiijiyey 6 qof oo rayad ah, halka ay dhaawacyo soo gaareen tiro kale.

Jawiga magaalada ayaa aad u kacsan, lagana cabsi qabaa in uu banaanbaxu ku fido magaalada oo dhan.

Qaar ka mid ah shacabka magaalada oo aan ka waraysanay mudaaharaadka ayaa sheegay in mudaaharaadku uu ka bilawday kadib imaatinka Axmed cabdi Xaabsade, wasiirka warfaafinta ee Somaliland.

Waxaa na loo xaqiijiyey in 6 qof oo rayad ahi ay dhinteen, tobaneeyo kalena ay dhaawacyo soo gaareen.

Duqa magaalada Laascaanood ee Somaliland oo aan ka waraysanay ayaa sheegay in 3 qof ay dhinteen, 11 kalena ay dhaawacmeen.

Buuhoodle:

Mudaaharaad kaas la mid ah ayaa ka dhacay magaalada Buuhoodle ee gobolka Cayn.

Walow aan illaa hadda ka hayn khasaaraha ka dhashay mudaaharaadkan ayaa wararka ay sheegayaan in dad aad u fara badani ay isugu soo baxeen wadooyinka magaalada, ayna taageereen hoggaanka cusub ee Khaatunmo.

Waxaa sidoo kale dagaal uu ka bilawday deegaanka Sool-joogo oo wax u yar u jira magaalada Buuhoodle, halkaas oo ay madaafiic isku weydaarsadeen ciidamada deegaanka iyo kuwa Somaliland ee todobaadkii hore weerarka ku soo qaaday Buuhoodle.

Mudaaharaadka ayaa lagu taageeray dawlada goboleedka Khaatumo ee dhawaan lagu yagleelay degmada Taleex, loogana soo horjeedaa maamulka Somaliland.

Diiwaanka Wararka,
Idaacada Daljir.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com