Mucaaradka Syria oo u Gacanta ku Dhigay 70 % kamid ah Dhulka Syria

Sabti, May 30, 2015 (Daljir) — Kooxaha dagaalka kula jira nidaamka Bashaar Al-Asad ayaa si buuxda ula wareegay gobolka Waqooyi galbeed ee Suuriya kadib markii magaaladii ugu dambaysay magaaladii ugu dambaysay ee Ariha ugan gashay kooxda Nusrah.Dagaalkan ka dhacay ayaa la sheegay in ciidamada badan oo Suuriyaan ah lagu dilay.Kooxaha mucaaradka ayaa hada si buuxda gacanta ugu haya gobolka xuduuda la leh dalka Turkiga iyo wadada weyn ee labada isku xidha.

Sida ka muuqata qariirada nidaamnka Bashaar Al-Asad ayaa hada gacanta ku haya wax kayar 30% dhulweynihii Suuriya. Hay’ada daraasaadka dagaalada ee ISW ayaa sheegtay in 220 kun oo qof ay ku dhinteen dagaalada Suuriya halka kala badh dadkii dalka Suuriya ee barakaceen.

Dagaalada Suuriya ayaa wuxuu udhaxeeyaa nidaamka Bashaar Al-Asad,Xisbulaah iyo Iraan oo dhinac ah iyo jabhadi isugu jira Islaamiyiin iyo wadaniyiin oo taageero ka helaya qaar kamid ah dalalka Carabta oo dhinaca kale ah.Sawirka guud ee dagaalada ka socda Suuriya waa dowlad iyo mucaarad dagaalamaya hase ahaatee marka hoos loo fiiriyo mucaaradka dagaalka kula jira nidaamka Bashaar Al-Asad ayaa ka kooban kooxo kala aragti duwan oo iyaguba col ah.

Waxaa laga cabsi qabaa hadii nidaamka Bashaar Al-Asad xukunka laga tuuro in Suuriya isu badasho sida Libya oo kale oo dalku ukala go go’ gobolo kooxa kala duwani ka taliyaan.Hoos ka daawo wariyaha Aljazeera oo ka warbixinaya wararkii ugu dambeeyay ee dalka Suuriya

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com