Mucaaradka oo Xukuumadda Somaliland u gudbiyay qoraal ay ku dalbanayaan banaanbax

Mucaaradka oo Xukuumadda Somaliland u gudbiyay qoraal ay ku dalbanayaan banaanbax

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed & Xubno kamid ah golaha Wasiirada ayaa Maanta qaabilay Masuuliyiin ka socday Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCUD iyo WADANI, kaasoo Wasiirka soo gaarsiiyey Qoraal ay Mudaharaad ku dalbanayaan Xisbiyada Mucaaradka ah.

Labada Xisbi Mucaaradka ayaa maanta u soo gudbiyey Wasaaradda Arimaha Gudaha J, qoraal ay ku dalbanayaan Mudaharaad, Wasiirka Arimaha gudaha ayaa ka gudoomey Warqada ka timi Xisbiyada Mucaaradka ah, isaga oo Wasiirku Xafiiskiisa ku soo dhoweeyey masuuliyiinta qoraalka sidey ayaa lagu yiri” War kasoo baxay Wasaaradda.

Wasiirka ayaa u sheegay masuuliyiinta ka socdey labada xisbi in ay fariin ku celinayaan Gudoomiyayaasha Labada Xisbi Mucaarad, taasoo ah kulan uu Wasiirku kala yeelan doono dalabkooda ah Mudaharaad,taasoo xeerku dhigayo in laga wada hadlo Arrimaha Mudaharaad.

Wasiirka wuxuu kaloo u sheegay masuuliyiinta ka socdey Xisbiyada Mucaaradka ah, in uu diyaar u yahay meelkasta oo ay jecel yihiin in kulanku ka dhoco uu diyaar u yahay Wasiirku, hadii ay Gudoomiyayaasha Xisbiyadu ay ka cudur daartaan ay yimaadaan Wasaaradda Arimaha Gudaha .

Masuuliyiinta ka socdey labada Xisbi Mucaarad ayaa iyana dhinacooda balan qaaday in ay fariintaa u geynayaan gudoomiyayaashooda.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com