Mooshin laga Gudbiyaay Duqa Boosaaso Eng Yaasin Mire (dhegayso)

Golaha deegaanka ee degmada Bosaaso oo maalmahanba uu socday kal fadhigoodii caadiga ahaa oo lixdii biloodba mar laqabto ayaa maalmahanba Xildhibaanada waxaa ay ka doodayeen Ajadayaal horyaalay si loo ansixiyo.

kulankii maanta ee golaha deegaanka oo ay soo xaadireen 27 xildhibaan oo Golaha deegaanka katirsan ayna ka maqnaayeen goobta 4 kamid ah Xildhibaanada ayaa looga dooday maanta Ajadayaal horyaalay golaha deegaanka oo la ansixiyay qaar kood ,waxayna xildhibaanada ay codsadeen in Ajandaha lagu daro Mooshin laga keenay Duqa degmadda Bosaaso ,waxaana u codeeyay 14 kamid ah 27 kii Xildhibaan ee Goobta joogay .

Sida uu sharciga low labar 7 ee golaha deegaanka uu qabo sadax meelood marka loo qaybiyo meel kamid ah 11 xildhiban ayaa keeni kara Mooshinka waxaana sidookale uu shrcigu qabaa in gudoomiyaha uu dhankiisa is
difaaco muddo sadax maal mood ah , golahana uu hor yimaado.

Hadaba kulankii maanta ee Xildhibaanada waxan kawaraysanay Xildhibaan Cabdunuur Galayr oo kamid ah Golaha deegaanka Ahna Xildhibaanka Arimaha Bulshada.

Wariye Xasan Heykal ayuu uwaramay.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com