Mombasa Kenya, Niman Gaari Xaday oo La Sixray Kadib Maxaa Ku Dhacay (Sawirro)

Mombasa Kenya, Niman Gaari Xaday oo La Sixray Kadib Maxaa Ku Dhacay (Sawirro)

Sida lagu faafiyay wargaysta Standard ee Kenya, labada nin ayaa la sheegay in la sixray kadib markii ay gaari ka xadeen nin kale.

Ninka gaariga laga xaday ayaa la sheegay in uu u tagay haweeney sixirka ku dheeraysa, taas oo u sheegtay haddii uu bixiyo lacag kun doolar ah in la arki doono tuugada oo muddugooda ah, oo socod ku maraya waddooyinka Mombasana.

Saakay aroortii hore ayaa mid ka mid ah dariiqyada waawayn ee Mombasa lagu arkay labo nin oo qaawan, waxaana usoo daawasho tagay dadkii meesha ka dhawaa oo dhan, iyada oo xitaa baabuurta ay galeen saxmad.

Waardiyeyaasha ganacsiyada aagga joogay ayaa labadii nin xoog ku waday, geeyayna mid ka mid ah saldhigyada booliiska. Wararka ayaa waxa ay intaas ku darayaan in islaantii raggan sixirtay ay saldhiga uga dabo tagtay, iyada oo sheegtay in ay gurigeeda gayn doonto si ay sixirka uga saarto.

Todobaadyo ka hor , dhacdo tan la mid ah ayaa laga soo sheegay magaalada Bungoma ee waqooyiga Kenya, halkaas oo nin tuug ah oo gaari xaday uu isu dhiibay booliiska kadib markii la sixray.

SAWIRRO

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com