MKX Galmudug Carabey oo sheegay inaysan Galmudug Qusayn Qodobadii shirkii kismaayo (dhegayso)

MKX Galmudug Carabey oo sheegay inaysan Galmudug Qusayn Qodobadii shirkii kismaayo (dhegayso)

iyado maanta shirkii Madasha Madaxda dowlad gobaleedyada ay xiriirka u jareen dowladda uu Hogaaminayo Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa waxaa markii ugu horeysay Go’aankaas ka hadlay Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Carabey.

Maxamed Cabdi Xaashi Carabey Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uusan qusayn qodobada kaso baxay shirkaas oo uu kamid yahay in la hakiyeey wadashaqayntii Dowladda Federaalka ee Maamul gobaleedyada.

Carabey ayaa tilmaamay in Madaxda ku shirtay kismaayo ay ku fashilmeen sugidda amniga degaanadooda ,isla markana Galmudug marnaba aysan xirirka u jari doniin Dowladda Federaalka somaaliya.

Hadalka Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa kusoo beegmaya xili uu jirro khilaaf xoogan oo u dhaxeeya Madaxda sarre ee Maamulka Galmudug ,kaas oo bilihii ugu dambeyeey Cirka isku shareeray, walow dowladda Federaalka ay dhex dhexaadin kadhex bilowday haddana lama oga halkuu ku dambeysay dhex dhexaadintaas.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com