Militariga Soomaaliya oo sheegay madax sare oo katirsan Al-shabaab inay gaareen buuraha Galgala

Militariga Soomaaliya oo sheegay madax sare oo katirsan Al-shabaab inay gaareen buuraha Galgala

Madax sare oo katirsan ururka Al-shabaab kana soo baxsaday duqaymaha diyaaradaha aan cidna wadin ee Mareykanku ay ka gaysanayaan koonfurta Soomaaliya ayaa soo gaaray deegaano ka mid ah dhulka buuralayda ah ee Galgala ee gobolka Bari, sida uu sheegay sarkaal sare oo katirsan militariga Soomaaliya.

General Axmed Maxamed Tredishe oo ah taliyaha guutada 52-aad ee ciidamada militariga Soomaaliya ayaa sheegay in dhaqdhaqaaq kusaabsan baxsadka dagaalamayaasha Al-shabaab in laga dareemayo deegaano katirsan gobolada Mudug iyo Galguduud.

Isagoo warbaahinta kula hadlayay magaalada Beledwayne ayuu sheegay dhaqdhaqaaqaasi inuu yahay mid ay ururka Al-shabaab ay uga baxsanayaan duqaymaha diyaaradaha aan cidna wadin ay ku qaadeen deegaano ka mid ah koonfurta Soomaaliya.

“Qaar ka mid ah madaxdooda waxa ay mareen degmada Ceeldheer iyo Xaradheere iyagoo u gudbay buuraha Galgala.” ayuu yiri Jenenka.

Hoos kadhegayso

Majirto wax hadal ah oo wali kasoo baxay dowladda Puntland oo ku saabsan dhaqdhaqaaqyada Al-shabaab iyo inay soo gaareen kuwa hor leh deegaano ka mid ah Puntland, balse muddooyinkii u dambeeyey waxaa socday dhaqdhaqaaqyo ay wadeen ciidamada amaanka iyo kuwa badda kuwaasi oo loo diray deegaanada fog ee xeebaha ee Puntland.

 

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com