Militariga Soomaaliya oo la wareegay deegaano ka mid ah Shabeelada dhexe

Militariga Soomaaliya oo la wareegay deegaano ka mid ah Shabeelada dhexe

Ciidamada militariga ee dowladda faderaalka ee Soomaaliya oo dagaal kula galay gobolka Shabeelada dhexe ururka Al-shabaab ayaa sheegay inay la wareegeen deegaamo dhowr ah oo katirsan gobolka oo ay horay u joogeen Al-shabaab.

Abaanduulaha ciidamada militariga Cabdullaahi Cali Caanood sheegay ciidamada inay dagaalada kula wareegeen deegaanada Janbaluul, Basra, Daniga Baaloow, Buulo Barwaaqo iyo Baqdaad oo kawada tirsan Shabeelada dhexe.

Deegamada ay ciidamada la wareegeen ayaa iminka degan sida xogta aan ku halayno, waxaana socda howlgalo ay ciidamada ay ku xaqjiinayaan ammaanka deegaanadaasi.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com