Miino Muqdisho lagula Beegsaday Guddiga Gurmadka Abaaraha Soomaaliya

Miino Muqdisho lagula Beegsaday Guddiga Gurmadka Abaaraha Soomaaliya

Kolonyo gaadiid ah oo ay wateen guddiga abaaraha Soomaaliya ee heer qaran iyo wefti ka socda dowladda Imaaraadka Carbeed ayaa maanta magaalada Muqdisho lagula beegsaday miino lagu aasay, taasoo waxyeello gaadhsiisay mid ka mid ah gaadiidkii kolonyada ahaa ee weftigaasi.

Xilliga qaraxa miino lala beegsaday gaadiidka ay wateen guddiga gurmadka abaaraha ayaa ay ku wajahnaayeen xero ay deganyihiin kumannaan qoys oo ka soo barakacay abaaraha ka taagan koonfurta Soomaaliya, taasoo ku taalla degaanka Garasbaalley ee Muqdisho.

Sh. Nuur Baaruud Gurxan oo ka mid ahaa wufuuddaasi ayaa warfidiyeennada Muqdisho ugu sheegey in mid ka mid ah gaadiidkooda miinada lala eegtay ay waxyeello soo gaadhay, balse aanay jirin cid wax ku noqotay.

Ururka al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda dhabbagalka miino.

Daljir Muqdisho

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com