Miino ku qaraxday guri hubka lagu kaydiyo oo ku yaalla saldhigga qayba ee magaalada Bossaso.

Qarax si wayn looga maqlay magaalada Bossaso ayaa saaka dhacay saldhigga qaybta ee magaalada Bossaso, waxaana ay saraakiisha ciidanku u sheegeen Daljir in qaraxu ka dhashay miino lagu aasay waddo hal-bawle ah oo dhexmarta magaalada taas oo ciidanku ka war helay ka dibna soo saaray.

Miinada ayaa la geeyey saldhigga qaybta waxaana lagu xareeyey guri hubka lagu keydiyo oo halkaasi ku yaalla deedna way qaraxday, inkastoo aan si rasmi ah loo caddayn sababta hadana saraakiishu waxay sheegayaan intaasi ahayd cillad farsamo aysanna jirin cid wax ku noqotay.

Booliska ayaa dhawr jeer soo qabtay miinooyin la aasay, kuwaasi oo la doonayey in la qarxiyo, mana jiro khasaare nafeed oo qaraxu dhaliyey marka laga reebo bur-bur soo gaaray gurigaasi iyo darbiga saldhigga.

Diiwaanka Wararka
Radio Daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com