Midowga Yurub oo war-ka soo Saaray Qul-qulka soo Galootiga

Arbaco, Janaayo 20, 2016 (Daljir) —Madaxwenaha Ururka Midowga Yurub, Donald Tusk ayaa ka digay inay muddo ka badan laba bilood ku qaato Dalalka Yurub Xalka ka Gaarista dhibaatad Qaxootiga faraha badan.
 
Donald Tusk oo shalay la hadlayay barlamanka Yurub ayaa wuxuu sheegay inuu u muuqdo qulqulka Qaxootiga mid halis k ah dhaqaalaha Qaaradda Yurub ayna adkaan doonto xal ka gaaristooda, haddaan hadda la qaadin talaabo dhaqso ah.
 
”Annagu ma hayno waqti aan dhibaatad ku xalinno, ugu dambeyn laba bilood waa in aanu xal uga gaarno dhibaatada muuqata ee Qaxootigu ku hayo dalalka Qaaradda Yurub,” ayuu khudbadiisa ku yiri Doland Tusk.
 
Sidoo kale, dalalka ay ka midka yihiin; Jarmalka, Sweden iyo Denmark ayaa durba qaaday tallaabooyin ay ku xaddidayaan Qaxootiga, kulana soconayaan ammaanka xaduudahooda.
 
Ra’iisul wasaaraha Britain Devid Cemeroon ayaa dhawaan sheegay haddii uusan Midowga Yurub qaadan go’aan uu muddo laba sannadood gudahood ah lacagaha ceyrta ah uga jarin qaxootiga uu dalkiisu ka bixi doono ka mid ahaashana ururka Midowga Yurub, taaso cirka kusii shareertay kala aragti duwanaashaha u dhexeysa hoggaanka Yurub ee xal ka gaarista Qaxootiga tirada badan ee wadamada Yurub ku qul-qulaya.
 

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com