Midowga Yurub oo Taliye cusub u soo magacaabay howlgalkooda xeebaha Soomaaliya

Midowga Yurub oo Taliye cusub u soo magacaabay howlgalkooda xeebaha Soomaaliya

Admiral Ignajiyo Filanaeva Serrano ayaa loo soo magacaabay inuu noqdo Taliyaha Cusub ee Taliska Hawlgalka Ciiddanka Badda ee Midowga Europe ee ATALANTA oo ay ka wadaan Xeebaha Somalia.

Taliyahan cusub oo u dhashay dalka Spain waxa uu xilka kala wareegi doonaa Taliyihii hore ee Hawlgalkaasi, José Vizinha Mirones oo u dhashay dalka Portisiiska.

Wuxuuna Taliye cusub uu Xilli-hawleedkiisa si rasmi ah u bilaaban doonaa bishan Maarso 17-da, sida lagu caddeeyo Qoraal ka soo baxay Golaha Europe.

Go’aanka lagu soo magacaabay Taliyaha Cusub ee Hawlgalkaasi waxaa wada oggolaaday Guddiga Siyaasadda iyo Ammaanka ee Golaha Europe.

Hawlgalka Ciiddanka Badda Midowga Europe ee ATALANTA waxay taageero ka geystaan Ka-hortaga Falalak Burcad-baddeed iyo Burcadda Hubeysan ka geystaan meelaha ka baxsan Xeebaha Somalia.

Wuxuuna Hawlgalkan qeyb ka yahay dadaalka EU-da ee lagu doonayo Deganaanshaha, Nabadda Buuxda iyo Dimuqraadiyadda ee Somalia.

Hawlgalka ATALANTA waxay kaloo gelbiyaan Maraakiibta ay Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP soo kireystaan iyo Maraakiibta kale ee aan lahayn Awood ay isku difaacaan iyo inay taageeraan Hawlgalladda kale ee Midowga Europe iyo Barnaamijyadda ka socda Mandiqadda Geeska Afrika.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com