Midowga Yurub oo dhimay lacag uu siin jirey ciidamad Kenya ee ka tirsan AMISOM

Midowga Yurub oo dhimay lacag uu siin jirey ciidamad Kenya ee ka tirsan AMISOM

Midowga Yurub ayaa dhimay lacago uu siin jiray ciidamada Kenya ee la dagaalamaya Al-Shabaab gudaha dalka Soomaaliya. Lacagtan la jaray ayaa ah boqolkiiba 66% taasoo lagu qiyaasay inay ka badan tahay $45 milyan.

Arrintan ayaa dhaqangeleysa sannad maaliyadeedka cusub ee bilaaban doona bisha Luulyo, maaddaama ay soo dhowaatay taariikhda la qorsheynayo inay ka baxaan Soomaaliya kaas oo ay hogaaminayso Qaramada Midoobay, sida ay qoreen qaar ka mid ah warbaahinta Kenya.

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (Amisom) ayaa qorsheynayay in bisha Diseembar ciidamada Soomaaliya lagu wareejiyo amniga dalka.

Ciidamada Kenya ayaa bishii October ee sanadkii 2011-kii gudaha u galay Soomaaliya si ay halkaas ugula dagaallamaan xooggaga Al-Shabaab oo ay sheegeen inay khatar ku hayeen amniga gudaha Kenya.

Soomaaliya waxaa ku sugan 22,000 oo askar ajaaniib ah oo ka kala socda dalalka Kenya, Burundi, Itoobiya, Ugandha iyo Jibuuti, kuwaasoo dagaal kula jiray ururka Al-Shabaab.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com