Midowga Yurub oo Bayaan kulul ka soo saaray xaaladaha amni ee Jubbaland iyo Galmudug

Midowga Yurub oo Bayaan kulul ka soo saaray xaaladaha amni ee Jubbaland iyo Galmudug

Wakiilka sare ee Midowga Yurub ee dalka Soomaaliya ayaa bayaan kulul ka soo saaray xaaladaha amni ee ka jira maamul goboledyada Jubbaland iyo Galmudug.

Wakiilka ayaa sheegay in dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee ka dhacay xadka Soomaaliya iyo Kenya iyo weliba ciidamadii la geeyay gobolka Gedo inay abuurta xasilooni darro sababtay in tiro badan oo ah dadka nugul ay ka barakacaan deegaanadooda.

Sidoo kale dagaalkii ka dhacay Galmudug dhamaadkii bishii febraayo waxa uu sii huriyay xaaladihii cakirnaa,waana xaalad halis ah ayaa lagu yiri bayaankan.

“Arrimahan oo idil waxa ay ka bedeleen jihadii howlgaladii lagula dagaalamayay Alshabaab gaar ahaan gobolada Sh/hoose iyo Sh/dhexe,waxayna sii xumeeyeen xiriirkii ka dhexeeyay Soomaaliya iyo dalalka saaxibada la ah.”ayaa lagu yiri bayaanka.
Bayaankan ayaa lagu baaqay in talaabooyin deg-deg ah la qaado isla markaana iskaashi buuxda ay yeeshaan dowlada federalka iyo maamul goboleedyada.

“Midowlga Yurub waxa uu hoosta ka xariiqayaa muhiimada ay leedahay xasiloonida iyo iskaashi dhex mara Ethiopia, Kenya iyo Somalia gaar ahaan xadka ay wadaagaan.”ayaa lagu yiri bayaanka.

Bayaankan ayaa lagu soo dhoweeyay horumarka laga gaaray arrimaha dhaqaalaha dowlada Soomaaliya,waxaana loogu baaqay dowlada Soomaaliya in isbedel ka sameyso dhinacyada xiriirka gudaha iyo dibaddaba,

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com