Midowga Yurub oo adduun gaaraya Euro100 milyan ugu yaboohaya Soomaaliya

Midowga Yurub ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ugu yaboohay lacag gaaraysa 100 milyan oo euros oo u dhiganta 117 Milyan oo dollar, waxaana lagu dari doonaa Miisaaniyada dowladda Federaalka Saddex sanno ee soo socota 2018 ilaa 2021.

Dowladda Federaalku waxay sheegtay in Lacagtan taageeradan miisaaniyadeed la soo marin doonaa Dowladda Federaalka iyadoo la adeegsanayo nidaamka dowliga ah.

Mashruucan taageerada miisaaniyadda ayaa sidoo kale loogu yeeray Heshiiska Dawlad Goboleedyada iyo Awoodda si degdeg ah uga soo kabashada dhibaatooyinka Soomaaliya.

“Midowga Yurub wuxuu hiigsanayaa in uu taageero federaalnimada Soomaaliya iyada oo loo marayo sare u kaca iyo horumarinta maaliyadeed ee ay dowlada dhexe ee Federaalka gaartay, iyada oo loo marayo Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka. Waxay sidoo kale Midowga Yurub uu xoojinayaa heshiiska bulshada ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo dadka Soomaaliyeed iyadoo si tartiib tartiib ah u kordhinaysa doorka Maamulka Soomaalida ee bixinta adeegyada asaasiga ah” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay midowga Yurub

Deeqdan ayaa timid maalin ka dib markii Bangiga Aduunka uu ku dhawaaqay barnaamijka ugu horeeya ee Kaalmaynta Horumarinta Caalamiga ah (IDA) ee Dowladda Federaalka in ka badan mudo 30 sano ah, oo u dhiganta $ 80 Milyan, iyada oo la raacayo qiimayn ku-meel-gaar ah ee IMF ee Barnaamijka Kor joogteynta Shaqaalaha (SMP).

Diiwaanka wararka

Radio Daljir


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com