Midowga Musharaxiinta oo ka hadlay dhalinyarada lagu la’ yahay Eritrea

Midowga Musharaxiinta oo ka hadlay dhalinyarada lagu la’ yahay Eritrea

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa markale ka hadlay xaalada dhalinyarada lagu la’ yahay dalka Eritrea iyagoo walaac xoog leh ka muujiyay.

War-saxaafadeed ka soo baxay Midowga Musharaxiinta ayaa lagu xusay in wararka la xiriira in dhallinyaradaas la sheegay ay ka qayb qaateen dagaalkii sokeeye ee Itoobiya ee ka dhacay gaar ahaan gobolka Tigray ay xaqiijisay hay’adda Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay iyo madax ka tisan dowlado caalami ah oo u kuur galay dagaaladaas.

Midowga ayaa sidoo kale sheegay inay ka welwelsanyihiin dacwadaha soo badanaayey iyo banaanbaxyada ku aadan arrintan uu ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu u magacaabay guddi loo wada arkay “magac-u-yaal oo ku jiraan dadkii mas’uulka ka ahaa maamulka iyo siyaasadda ciidamada, oo aan wax ka dhihin arrintan cadeeymahooda

maalin walba gaar ahaan markii ay ciidamada Tigre dib u qabsadeen deegaanadooda.”
Warkan ka soo baxay Midowga Musharaxiinta ayaa ku soo beegmaya xilli xaalada gobolka Tigray ay gaartay meel xasaasi ah dhowaana la soo bandhigay ciidamo badan oo lagu qabtay dagaalada gobolka Tigray.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com