Midowga Musharaxiinta oo ka hadlay dilkii Ikraan Tahliil iyo saddex qodob oo ay soo saareen

Midowga Musharaxiinta oo ka hadlay dilkii Ikraan Tahliil iyo saddex qodob oo ay soo saareen

Midowga Musharaxiinta ayaa ka hadlay dilkii Ikraan Tahliil oo ay NISA ku sheegtay in ay dileen Alshabaab, halka Alshabaab ayana ay beeniyeen ku luglahaansho dilka Ikraan Tahliil.

Qoraal ay soo saareen Midowga Musharaxiinta ayaa waxa ay ugu baaqeen Ra’iisul Wasaare Rooble inuu isbeddel degdeg ah ku sameeyo Hay’ada Nabadsugida, isla markaana uu magacaabo guddi caalami ah oo madaxbannaan si looga gungaaro xaqiiqda kiiska Ikraan Tahliil.

Midowga waxa ay Ra’iisul Wasaare Rooble ka dalbadeen inuu qaado saddex tallaabo oo kala ah:

1- in isbaddal degdeg ah lagu sameeyo hoggaanka sare ee hey’adda Nabadsugida, si loo sooceliyo kalsoonida shacabka.

2- in loo saaro guddi caalami ah oo madaxbannaan si looga gungaaro xaqiiqda kiiskan

3- in hey’adda loo magacaabo hoggaan kalsoonida shacabka hanan kara

Hoos ka akhriso qoraalka Midowga Musharrixiinta:

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com