Midowga Afrika oo war ka soo saaray xiisadda Suudaan iyo Itoobiya

Madaxa guddiga Midowga Afrika ayaa ku baaqay in la is xakameeyo, oo la is dejiyo, lana wada hadlo, iyadoo muranka xadka ee u dhaxeeya Itoobiya iyo Suudaan aad looga cabsi qabo inuu cirka isku sii shareero.

Bayaan uu soo saaray, Moussa Faki Mahamat ayuu ku yiri “labada dal ee walaalaha ah” waa inay ku dhameeyaan wixii khilaaf ah si nabad ah.

Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Suudaan ayaa ku dagaalamay deegaanka lagu muransan yahay ee Al-Fashaga, kaddib markii la sheegay in goob fagaare ah lagu toogtay 7 askari oo Suudaani ah iyo qof rayid ah dhammaadkii isbuucii hore.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com