Midowga Afrika oo shaaciyay inuu mashaariic ka fulin doono Muqdisho.

Adisababa,Feb 10 -Ururka Midowga Afrika ayaa balan qaaday in mashaariic ku kici doonto 4.5 Milyan oo doolarka Maraykanka ah inuu ka fulin doono magaalada Muqdisho.

Kuxigeenka wakiilka gaarka ah Midowga Afrika ugu qaybsan Soomaaliya Waffulla Wa Munyiya ayaa waxaa uu sheegay mashaariicda uu ururkooda fulin doono inay isugu jiraan dib u habayn lagu samayn doono xarmaha ciidamada booliska,goobaha waxbarashada iyo helitaanka biyo nadiif ah.

Waxaa uu sheegay dhaqaalaha lagu fulin doono mashaariicda inay bixin doonaan ururka Midowga Yurub iyo dowladda Spain.

Hadalka ururka Midowga Afrika ayaa kusoo beemaya xilli magaalada Muqdisho ay todobaadyadii lasoo dhaafay uu ku sugnaa ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya Jerry Rawlings.

Diiwaanka Wararka
Daljir Boosaso.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com