Midowga Afrika oo ka digaya in 6,000 oo Daacish ah ku soo laabanayaan Qaaradda

Midowga Afrika oo ka digaya in 6,000 oo Daacish ah ku soo laabanayaan Qaaradda

Ururka Midowga Afrika ayaa ka digay in Qaaradda ay ku soo laabtaan lix kun oo dhallinayro Afrikaan ah kuwaas oo ka mid ah 30,000 oo Ajaanib ah kuna biiray Daacish intii u dhaxeysay 2014kii ilaa Sanadkii 2016kii.

Madaxda Amniga iyo Nabadda ee Midowga Afrika Smail Chergui ayaa Magaalada Algiers s ee Dalka Algeria ka sheegay in Guddiga amniga Midowga AFrika uu hayo xogta la xiriirta in dhallinyaradii Afrika ee ku biiray Daacish ay Qaaradda ku soo laabanayaan iyaga oo wlai wata fikirka daacish ee dagaalka ku dhisan.

Waddamada Qaaradda Afrika ayuu ugu baaqay in ay xoojiyaan xiriirkooda dhinaca amniga iyo sirdoonka si dhowna isula shaqeeyaan si looga hortago in Dhallinyarada Afrika ee ku biiray Daacish ay dhibaato ka geystaan gudaha Qaaradda Afrika gaar ahaan Waddamada ay ka soo jeedaan.

Ururka Daacish ayaa lagu jebiyay dagaalkii dalalka Ciraaq iyo Syria waxaana hadda la sheegayaa in dagaallamayaasha Ajanabiga ah ee u dagaallamayay ay ku laabanayaan dalalkii ay ka soo jeedeen iyaga oo wata fikirka Daacish,iyaga oo qatar ku ah amniga Dalalkooda.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com