HomeUncategorized

Midawga Africa oo madaxda DKFS ku ammaanay ka go?naashaha soo af-jarida xilliga kumeel-gaarnimada.

Moqdisho, July, 19 ? Kuxiggeenka wakiilka Midawga Africa u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Wafula Wamanyini ayaa shir-jaraa?id oo uu maantay ku qabtay Moqdisho waxaa uu si cad madaxda sare ee DFKS ugu ammaanay dadaallada ay ku soo af-jarayaan marxalada kumeel-gaarnimada ee dalku hadda ku jiro.

DHEGEYSO-Mushar ku dhawaaqay inuu u taagan yahay xilka duqa Galkacyo.
Tacsi loo Dirayo Dr. Maxamed Xasan Siciid oo Sweden ku Geeriyooday
Qarax baabuur loo adeegsaday oo ka dhacay madaarka magaalada Jalalabad ee dalka Afghanistan.

Moqdisho, July, 19 ? Kuxiggeenka wakiilka Midawga Africa u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Wafula Wamanyini ayaa shir-jaraa?id oo uu maantay ku qabtay Moqdisho waxaa uu si cad madaxda sare ee DFKS ugu ammaanay dadaallada ay ku soo af-jarayaan marxalada kumeel-gaarnimada ee dalku hadda ku jiro.

Mr Wafula Wamunyini ayaa qeexay inaysan wax-shaki ah ku jirin, 20-ka August Soomaaliya inay helayso isbadal-dhab ah oo dhinac-walbo leh, waxaana isagoo sii wata hadalkiisa uu rajo-wanaagsan ka muujiyay in odoyaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee ku sugan Moqdisho maalinta birriya ay soo dhammaystirayaan xubnaha ka maqan tirada ergooyinka ansixinaya Dastuurka Soomaaliya.

Kuxiggeenka ergiga Midawga Africa u qaabilsan Soomaaliya Wafula ayaa mar-kale ka hadlay halka uu Midaw Africa ka taagan-yahay waxa uu ugu yeeray qaswadayaasha Soomaaliya, waxaa uu u jeediyay digniin culus, waxaana uu sheegay inay soo bandhigi-doonaan magacyada dadka qasaya arrimaha Soomaaliya, haddii aysan joojin dhaleecaynta iyo rabshadaha siyaasadeed ee dalka ay ka wadaan.

Hanjabadaan kasoo yeeraysay Ururka Midawga Africa ayaa baqdin-badan galisay siyaasiyiin lugta ku walaaqayay siyaasadda Soomaaliya, waxaana fariintaan ay u muuqataa sida aduunku ula xisaabtamayo shaqsigii baal-mara jadwalka loogu talagalay Soomaaliya in lagu dajiyo.

Diiwaanka Wararka

Daljir Garowe.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: