Micheal Keating: Beesha caalamku walwal wayn ayay ka qabtaa doorashada Soomaaliya, faragalin badan ayaana jirta

Muqdisho,  September, 28, 2016 — Ergayga QM u Qaabilsan Soomaaliya, Danjire Micheal Keating ayaa golaha ammaanka uga Warbixiyay Xaaladihii ugu dambeeyay ee Siyaasadda Soomaaliya iyo dib u dhacii doorashooyinkii la filayay in bishan iyo tan soo socota ka dhacaan Soomaaliya.
 
Danjire Keating ayaa si gaar ah uga hadlay sababaha dib u dhigay doorashooyinkii dalka ee la filayay inay sannadkan dhacaan, isagoo xusay inay jiraan caqabado wali hor-taagan hanaanka doorashooyinka Soomaaliya ee sannadkan 2016-ka.
 
“Waxaa  dib u dhaca doorashooyinka keenay dhowr arrimood, kuwaasoo aan ka magacaabi karo ; In la doonayo in hannaanka doorashooyinka lagu afduubo qaab siyaasadeed iyo Dib u dhacyo horay u dhacay iyo kuwa waddada kusoo jira, suuro-galnimada in hannaanka doorashooyinka la afduubo waa mid aad u sarreysa,” ayuu yiri Danjire Keating.
 
Sidoo kale, Ergayga ayaa sheegay in dib u dhacan cusub aanu keenin fursad lagu marin habaabiyo hannaanka doorashooyinka ama siyaasiyiinta Qas-wadayaasha ay ku carqaladeynayaan doorashooyinka.
 
Ergayga ayaa intaas ku daray in loo baahan yahay in doorashooyinka 2016-ka ee Somalia si cadaalad oo hufan loo qabto, isla markaana laga dhigo mid uu qof walba kasoo qayb-galo. Isagoo qiray  inay jiraan Caqabado Sharciga ah, maadaama Dowladda Somalia ee hadda jirta waqtigeedii uu dhamaaday, gaar ahaan madaxweyne Xasan Sheekh oo sida Dastuurka dhigayo xilligiisii uu ku ekaa 10-kii bishan September.
 
Dhanka kale, Keating ayaa xusay in diyaar-garowga doorashooyinka intooda badan la dhameystiray, daowaanna ay billaaban doonaan Diiwaan-gelinta 14-kun oo ergo iyo murashaxiinta u taagan xildhibaanimada oo boqolaal qofood gaaraya.
 
Ugu dambeyn, Doorashada Madaxweynaha Somalia ayaa dhici doonta 30-ka November, sida ay maalin ka hor shaaciyeen gudiga doorashooyinka dadban ee heer federaal, kaddib markii dib looga dhigay 30-ka Oktoobar oo ahayd in ay doorashada madaxweynuhu dhacdo 

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com