Miami: Dhisme 12 dabaq ah oo soo dumay

Miami: Dhisme 12 dabaq ah oo soo dumay

Dadka Samatabixiyeyaasha ayaa weli ka raadinaya dad ku go’doonsan burburka dhisme 12-dabaq ah oo dumay oo ku yaal woqooyiga magaalada Miami ee dalka Maraykanka.

Hal ruux ayaa ku geeriyooday iyadoo 99 kalana lagu la’ yahay burburka dhismahan iyadoo xilli habeen ah ay samatabixiyaasha ay baadigoobayaan dadka ku hoos jira burburka dhismaha.

Lama oga sababta keentay in dhismahan oo dad shacab ah degenaayeen inuu soo dumo,waxaana dhismahan la dhisay afartan sano kahor.

Ugu yaraan 102 qof ayaa laga soo badbaadiyay burburka dhismaha balse lama tirada rasmiga ah ee joogtay guriga markii uu dumayay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com