Meydad Soomaali iyo Ajinebi ah oo laga helay xeebaha ku dhow degmada Hobyo ee gobolka Mudug.

Hobyo, July 08- 2013 – Meydadka Afar ruux oo ay ku jiraan kuwa ajinebi ah ayaa maanta lagu arkay xeebaha ku dhow degmada Hobyo ee Gobolka Mudug, sidaasi waxaa shaaciyey saraakiil ka tirsan maamulka Galmudug ee halkasai gacanta ku haya.

Deegaanka Xiin-dawaco oo dhanka xeebta xiriir kala leh degmada Hobyo ee gobolka Mudug ayaa meydadku ka soo caariyeen, Ciise xasan oo ka tirsan maamulka Galmudug wuxuu shaaca ka qaaday in ay aaseen markii la helay ?kadib.

Meel xeebta kaga beegan ilaa 4 KM dhinaca badda degmada Hobyo ee gobolka Mudug ayaa hebeen hore ?waxaa ku degay markab kuwa xamuulka qaada ah, kaasi oo wakhti ku dhow Labba sano gacanta ugu jiray Burcad badeed ka kooban 25-xubnood.

Ciise Xasan Maxamuud oo ah sarkaal ka tirsan Galmudug oo jooga Hobyo wuxuu sheegay in ay filayaan in dadka ay maanta aaseen ay yihiin qaar ka mid ah Burcad badeedii ?iyo shaqaale uu markabku la degay oo la waayey, waxaa horey loo bad baadiyey 9 shaqaale ajinebi ah, iyo 13 Burcad badeed ah.

Markabka la yiraahdo Albedo wuxuu gacanta ugu jiray Burcad badeeda waxaana laga lahaa dalka Syria sida aan wararka ku helayno, in kastoo uu haatan dego, ?sidoo kale markabku wuxuu siday xamuul fara badan oo waxaa la soo sheegayaa in uu waday Konteenaro ay ka buuxaan qalabka baabuurta.

?

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com