Meleteriga Kenya iyo ciidamo ka tirsan Al-shabaab oo ku dagaalamay xuduuda Kenya iyo Soomaaliya

Gaarisa, August 22, 2013 – Ciidamada dowladda Kenya ayaa howgal lagu sugayey amaanka, ?loogana hortigayey falalka Argagixiso waxay ka sameeyeen xuduuda u dhexeysa ?dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Wararka imanaya deeganada xuduuda ah ee dagaalku ka dhacay ayaa sheegaya, in dagaalka uu ka ?dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah, balse aan la xaqiijin karin, in kastoo aysan dagaalka ilaa hadda ka hadlin Al-shabaab.

Duqa degmada Gaarisa ee gobolka woqooyi Bari ee dalka Kenya Haruun Rashiid oo la hadlay BBc-da ayaa sheegay in dagaalkaas ay ciidanka Kenya khasaare ku gaarsiiyeen ururka al-shabaab, wuxuu xusay in dagaalku dhexmaray malayshiyo ka tirsan shabaab iyo ciidanka xuduudaha Kenya.

Arrintaan ayaa daba socota weerar ay ciidamada al-shabaab ku qaadeen deegaanka Galmagala ee ka tirsan gobolka woqooyi Bari ee dalka Kenya, halkaas oo ay ku dhinteen 4 ka tirsan booliska Kenya, weerarka waxaa sheegatay shabaab.

?

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com