Meleteriga huwanta oo Al-shabaab kala wareegay marin muhiim u ah isu-socodka gobolka Baay

Qansax-dheere, December 7, 2013 – Meleteriga huwanta ah ee Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ayaa la wareegay jidka muhiimka ah ee isku xira deeganada Qansax-dheere iyo Owdiinle ee gobolka Baay.

Dowladda ayaa marin muhiim ah ku tilmaantay wadadaas oo ay horay gacanta ugu hayeen kooxda Al-shabaab.

Maxamed Isaaq Qara-case oo ah gudoomiyaha degmada Berdaale, waxaa uu xusay in ujeedkoodu uu yahay in la sahlo isu-socodka dadka iyo gadiidka ee deeganadaas oo horay ay dhibaato badan ugala kulmi jiray Al-shabaab, sida ay sheegeen maamulku.

Meleteriga huwanta ah ayaa fariisin cusub hadda ka samaystay deegaanka Kurtun oo isku xiro labbada deegaan ee Owdiinle iyo Qansax-dheere, dowladda ayaa sheegtay in xaalado nololeed ay haystaan dadka labbada deegaan.

Qara-case ayaa rajo ka muujiyey in gurmad lala gaari doono dadka dhibaaysan ee deeganadaas.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ayaa maalmahan waday dhaqdhaqaaq xoog leh oo ay ku doonayeen in ay kula wareegaan jidka isku xira Qansax-dheere iyo Owdiinle, sidoo kale waxaa qorshaha ku jirtay in ay qabsadaan deegaano kale oo ay joogaan Al-shabaab.

Diiwaanka wararka

Radio daljir

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com