Meleteriga Ethopia oo ka baxay Bay iyo maamulka oo sheegay in u bexeen qorshe dagaal

Baydhabo, July 15- 2013 – Meleterigii Ethopia ee joogay gobolka Bay ayaa gebi ahaanba isaga baxay magaalada xaruunta u ah gobolkaasi ee Baydhabo, xili dhowaantan ay soo shaac baxayeen wararka sheegaya in ciidanka Dowlada Ethopia ay isaga baxyaan gobolkaas.


Waxaa si rasmi ah loo shaaciyey in ciidanka Ethopia ay ka bexeen magaalada Baydhabo iyo saldhigii ugu weynaa ee ay? ku laayeen warshadii Xaseey iyo agagaarka garoonka diyaaradaha ee Baydhabo.


Cabdulaahi Suldaan weriyaha Daljir ee Muqdisho oo u kuur galay xaaladaha bixista ciidanka Ethopia, wuxuu sheegay in maamulku ay u xaqiijiyeen? wararka sheegaya in ay ruqaansadeen? ciidanka, iyadoo meelihii ay ka bexeen lagu wareejiyey ciidanka AMISOM.


Meleteriga Ethopia oo joogay deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolkaasi Baay waxay haatan isugu tageen degmada Bardaale sida uu warbaahinta u xaqiijiyey gudoomiyaha degmadaasi ee Dowlada Soomaaliya.


? Gobolka oo dhan way ka soo bexeen, haatan waxay joogaan Berdaale waan la kulmay oo waxay ii sheegeen in qorshohoodu yahay in ay gobolka ka? sifeeyaan Al shabaab? ayuu yiri Maxamed Isaaq oo ah duqa degmada Bardaale ee gobolka Bay.


Ciidama ethopia ee ka baxay gobolka Baay ayaa dhaq dhaqaaqoodu wuxuu bilowday gelinkii hore ee shalayto sida ay xaqiijiyeen ilo rayid ah oo xog ogaal ah, wararka kale ee aan helayno waxay sheegayaan in ciidanka Dowlada Ethopia ay tegi doonaan Bakool oo ay howgalo ka fulinayaan kadibna? waxay u sii gudbayaan dhanka xuduudka labbada dal.


Diiwaanka wararka
Radio Daljir
?

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com