Maydadka laba nin oo Oromo ah oo la geeyey Isbitaalka Bosaso

Maydadka laba nin oo Oromo ah oo la geeyey Isbitaalka Bosaso

Maydadka laba nin oo Oromo ah oo dhalinyaro ah ayaa la geeyey isbitaalka guud ee magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari oo kumanaan Itoobiyaan ah ay uga sii gudbaan dalalka Yemen iyo Sacuudi Carabiya.

Saraakiisha Isbitaalka ayaa radio Daljir u sheegay mid ka mid ah labada ruux in qoortu ka jabantahay, halka midka labaadna ay ka muuqan wax calaamado ah.

Midka mid ah maydadka ayaa laga helay xafiis dadka Itoobiyaan laga tahriibiyo oo ku yaala Bosaso, halka midka labaadna laga helay goob waddo ah oo u dhow masajidka Faaduma ee xaafadda Raf iyo raaxo Bosaso.

Maamulka gobolka Bari ayaa kulan uu shalay kula yeeshay magaalada Bosaso hay’adaha ammaanka, odayaasha dhaqanka iyo qowmiyadda Oromada ee ku nool gobolka Bari waxaa ku booriyay in xuquuqda dadkaasi la ilaaliyo, qofkii dhibaato u gaystana ay hay’daha ammaanka ay tilaabo ka qaadi doonaan.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com