Maydadka 13-qof oo Afrikaan ah oo laga soo saaray xeebaha Talyaaniga

Arbaco, Luuliyo 29, 2015 (Daljir) — Ilaaladda Xeebaha ee dalka Talyaaniha ayaa sheegay inay labadii maalmood ee ugu dambaysay soo badbaadiyeen in ka badan 1.800 Muhaajiriin Afrikaan ah, kuwaasi oo la socday shan dooni oo ka soo shiraacday Xeebaha dalka Libya.

Markab dagaal oo laga leeyahay dalka Ireland ayaa la sheegay inuu qeyb ka ahaa Gurmadkaasi, wuxuuna soo badbaadiyey dooni ay la socdeen 522 Muhaajiriin.Waxay kaloo heleen maydadka 13 Tahriibayaal la sheegay inay ka soo kala jeedaan Somali iyo Eritrea.

Maraakiibta ilaaladda Xeebaha ee dalalka Talyaaniga iyo kuwa ka tirsan Ururka Midowga Europe ayaa kordhiyey Hawlaha ay ugu gurmanayaan Muhaajiriinta doonyaha kaga soo guda Badda Mediterranean Sea si ay u soo gaaraan dalalka Talyaaniga, Giriigga iyo Jesiiradda Malta.

In ka badan 1,900 Tahriibayaal ayaa sannadkan ku geeriyootay badda, xilli ay ku haminayeen inay gaaraan dalalka Europe, si ay uga helaan nolol wanaagsan.

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com