Maxkamadda Sare Somaliland oo loo Gudbiyay Dacwad ka Dhan ah Guddoomiyaha Golaha Wakiilada

Maxkamadda Sare Somaliland oo loo Gudbiyay Dacwad ka Dhan ah Guddoomiyaha Golaha Wakiilada

Baarlamaanka Somaliland ayaa waxaa hareeyey muran xoogan oo kadhashay doorashadii guddoomiyaha cusub ee wakiilada Somaliland Baashe Faarax oo badalay guddoomiyihii hore baarlamaanka Cabdiraxmaan Cabdulaahi Cirro oo iscasilay.

Maxkamadda sare Somalilnd ayaa ka hadashay markii ugu horeysay khilaafkan, guddoomiyaha maxkamadda Aadan Xaaji Cali ayaa sheegay xubno taageersan musharixii la tartamay Baashe Faarax inay usoo gudbiyeen dacwad ka dhan ah doorashada.

Waxaa uu sheegay inay maxkamadda sare darsi doonto inay dacwad ka furi karto.

Mmudanayaasha diidan guddoomiye Baashe Faarax ayaa taageersan Cabdiraxmaan Taliile, waxaana ay ku doodayaan doorashada inay u dhacday qaab aan hufneen oo ay saluugsanyihiin natiijadii kasoo baxday.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • maxamed cabdi128@hotmail com 7 years ago

    anigu waxaan aad uga soo horjeedaa dawlada farmajo qaabka ay wax uwado waa mid aan la aqbali karin waayo waxay kagaabisay balanqaadkii ay gashay xiligii ololaha dorashada hadana waxaa umuuqataa in aan dalkii waxba laga qaban ee ayagu isku mashuulen waayo xamar baa laga dhigikari waayay amaan waxkale daayo waxaa soonoday dagaalbeeledyo meelabadan kasocda oo konfuta kamid ah walina dawladu kamahadal in ay wax kaqbato daayo taas waxaan u arkaa in dadka lamarin hababinayo in wax looqabto iskadayo

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com