Maxkamadda Sare ee Soomaaliland oo Go’aan Ka Gaadhey Murankii Gudoonka Barlamaanka

HomeWararka

Maxkamadda Sare ee Soomaaliland oo Go’aan Ka Gaadhey Murankii Gudoonka Barlamaanka

Maxkamadda sare ee Somaliland oo war kasoo saartay muranka doorashadda guddoonka Golaha Wakiilada iyo dacwada xildhibaan Talyanle “Maxkamadda sare Mar

Puntland & Jubbaland oo soo saaray warsaxafadeed (Akhriso)
Warka Fiidnimo, Ayaanle Cabdulaahi Jaamac, Daljir Caabudwaaq (dhegayso)
Barnaamijka Ciyaaraha ee Sports News iyo Mustafe Xuseen Yuusuf (dhegayso)

Maxkamadda sare ee Somaliland oo war kasoo saartay muranka doorashadda guddoonka Golaha Wakiilada iyo dacwada xildhibaan Talyanle “Maxkamadda sare Markay aragtay arjiga dacwadda ah ee ku taariikhaysnayd 8/8/2017 ee Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle dacwadeeda usoo gudbiyey maxkmadda sare oo ujeedadeedu tahay doorashaddii ka dhacday golaha Wakiiladda oo uu kaga cabanayo go’aankii lagu ansixiyey natiijadii doorashaddii gudoomiyaha golaha wakiilada ee dhacday 6/8/2017, waxaanu ka cabanayaa inuu isagu helay 39 cod, halka Baashe Maxamed Faaraxna uu helay 38 cod oo codeyntii la is daba mariyey.

Markii ay maxkamadu u cadaatay in aanu jirin muran dastuuri ah oo la leeyahay arrin dastuuri ah ayaa meel lagaga dhacay, balse ay cabashaddu la xidhiidho habka codeynta ee golaha dhexdiisa, markay maxkamada u cadaatay arrin gudaha ah,isla markaana uu jiro xeer hoosaad uu leeyahay golaha Wakiiladdu oo ay tahay in muranadooda ku xaliyaan xeer hoosaadkooda, gaar ahaan qodobka 37aad,42aad, ee xeerka numbarkiisu yahay1/2006, markay maxkamadda u cadaatay si waafaqsan xeer hoosaadka golaha ,isla markaana ay aqballeen musharaxiinta tartamaysay, cabashadana ay timid natiijaddii codeynta.

Waxay qaraarisay arjiga uu maxkamada usoo qortay Xildhibaan Cabdiraxaman Talyanle aanu waafaqsanayn qodobada sharciga ah ee khuseeya maxkamada dastuuriga ah, maadaama aanu jirin dacwad dastuuri ah, oo waafaqsan qodobka 98aad, faqradiisa 1aad, A iyo C, ee dastuurka Somaliland, waxay qaraarisay in maxkamaddu in arjigaasi uu xildhibaanku usoo gudbiyey uu dariiqeedu yahay golaha wakiilada dhexdiisa, iyagoo raacaya xeer hoosaadkooda, gaar ahaan si waafaqsan qodobka 37aad oo ka hadlaya soo jeedimaha, iyo qodobka 42aad oo ka hadlaya noocyadda codeynta iyo muranadda ka yimaadad sida loo xaliyo ee xeer numb 1/2006.”.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: