Maxkamadda Sare ee Racfaanka Masar oo Xukun ku Riday Mursi

Maxkamadda Sare ee Racfaanka Masar oo Xukun ku Riday Mursi

Maxkamadda Sare ee Racfaanka Dalka Masar ayaa xukun kama dambeys ah oo madaxaa haku furto ah ku ridday Madaxweynihii hore ee Dalka Masar Maxamed Mursi.

Mursi ayaa Maxakamaddu ku eedeysay in intii uu joogay Xafiiska looga taliyo Masar uu sirka Qaranka dalkiisa u gudbiyay dowladda Qadar,sidaasna ku galay qiyaano Qaran.

Sidoo kale 3; ka mid ah Ururka Ikhwaanul Muslimiinta dalka Masar ku xukuntay dil toogasho ah,waxaana Maxakmaddu sheegtay in Xukunka ay shalay ku ridday Maxamed Mursi ee Xabsi daa’inka ah uusan lahayn racfaan dambe islamarkaana uu yahay Xukunkii ugu dambeeyay.

Maxamed Mursi ayaa Xabsiga la dhigay sanadkii 2013kii markii Wasiirkiisii Wasaaradda Gaashaandhigga C/Fataax Al-Sisi uu dalakas ku qabsaday afgambi sidoo kalena noqday Madaxweynaha Dalka Masar.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com