Maxkamadda ICJ oo warbixin ka soo saartay muranka badda Kenya iyo Soomaaliya.

Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ee Qarammada Midoobay (ICJ) waxay soo jeedin doontaa go’aanka ay ka gaartay diidmada hordhaca ah ee Kenya ee dacwadda soohdinta badda ee ay Soomaaliya ku soo oogtay Kenya.

Guddoomiyaha Maxkamadda ayaa ku dhawaaqi doona go’aanka Maxkamadda Galabnimada Khamiista, 2-da Febraayo 2017.

Go’aanka Maxkamadda looga fadhiyaa waa in ay dacwadda gasho sida ay Soomaaliya dooneyso ama in ay u aragto in aanay geli karin dacwaddan sida ay Kenya dooneyso.

Waxaana hada laga dhursugaya Marka Xaakimka Maxkamadda ICJ uu ku dhawaaqo go’aanka Rasmiga ah ee Dacwada Badda kenya iyo Soomaliya u dhaxeysa.

 

 

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com