Maxkamadda gobolka Bari oo xukuno dil iyo xabsi ah ku riday rag katirsan Al-Shabaab

Bossaso, Apr 14 -Maxkamadda darajaada koowaad ee magaalada Boosaaso ayaa maanta xukuno isgu jira dil iyo xabsi ku riday 9-qof oo lagu soo eedeeyay inay dilal iyo qaraxyo ka fuliyeen gudaha Puntland.

4-qof oo ka mid ahaa dadka maxkamadda la horkeenay ayaa lagu xukumay dil toogasho, kadib markii lagu eedeeyay inay dilal ka fuliyeen gudaha Puntland, sadex nin ayaa lagu xukumay 10-sanadood oo xabsi ah, laba ayaa lagu kala xukumay labo iyo sadex sanadood oo xarig ah, waxaana maxkamaddu ay dib u dhigtay xukunka laba kale oo la sheegay inay baaris ay ku socoto.

Gudoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee magaalada Boosaaso Sheekh Aadan Aw-Axmed ayaa ka sheegay maxkamadda dadka la xukumay inay racfaan ka qaadan karaan xukunka lagu riday.

Gudoomiyaha ayaa xusay ragga la xukumay inay qirteen dambiga lagu soo oogay,

Maxkamadda magaalada Boosaaso ayaa horay sidaan oo kale xukuno kale duwan ku riday rag lagu soo eedeeyey inay ka mid ahaayeen Al-Shabaab qaarkoodna loosoo qabtay inay faldambiyeedyo dil ah ay gaysteen.

Xukunka ayaa kusoo beegmaya xilli todobaadyadii ugu dambeeyay ay soo baxayeen warar sheegaya in ururka Al-Shabaab ay ay usoo jihaysteen buuralayda Galagala ee gobolka Bari.

Diiwaanka Wararka
Daljir Bossaso.

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com