Maxkamadda Darajadda Kowaad ee Boosaaso oo Xukuno ku Riday 17-badbaax oo u dhashay Iiraan (dhegayso)

Maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Bari ayaa xukun ku riday 17- maxbuus oo u dhashay dalka Iiraan oo ay soo qabteen ciidamada ammaanka ee Puntland, kadib howlgal kadhacay xeebaha Badwaynta Hindiya 11kii bishaan.

Badmaaxiista oo markii hore tiradoodu ahayd 18- ayaa mid ka mid ah oo ahaa kabtankii doonida waxaa uu ku dhintay howlgalka lagu soo qabanayay doonida oo lagu helay inay kalluumaysi sharci darro ah ay ka waday biyaha Puntland, waxaana horay u cambaareeyey wasaaradda arimaha dibadda ee Iiraan.

Guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Bari Abuukar Cabdinuur Jaamac ayaa radio Daljir uga waramay xukunadan, Maxamud Cabdi Ibrahim ayaana waraystay/

dhegayso waraysiga

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com