Site icon Radio Daljir

Maxkamadda darajada 1-aad ee gobalka Mudug oo xukun ku riday eedaysane kufsi geeystay (Daawo)

Maxkamadda darajada kowaad ee magaalada Gaalkacyo ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku ridday eedaysane lagu magacaabo Mukhtaar Cabdikaafi Xirsi Axmed kadib markii lagu helay in uu kufsaday gabar 6 sano jir ah oo magaceeda lagu sheegay Farax Jaamac Faarax.

Sidoo kale eedaysane Mukhtaar ayaa lagu xukumay in uu bixiyo $5000 Dollar oo magdhow loo siinayo gabadha uu kufsaday, taasi oo maxkamaddu sheegtay in ay u dhiganto meher maadaama uu gabarnimadeeda waxyeelay.

Maxkamadda ayaa caddaysay in Mukhtaar uu la noolyahay cudurka HIV/AIDS, uuna dawo ka qaadan jiray xarumaha caafimaadka.

Xukmanaha ayaa haysta mudda 30 cisha oo uu rafcaan ku qaadan karo, sida ay sheegtay maxkmadda.

Hoos kadaawo Xukunka Maxkamadda

Exit mobile version